soomaali
Surah Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya count 59
حم
( 1 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 1 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Waannu sheegnay iyadoo kale.
وَالْكِتَابِ الْمُبِينِ
( 2 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 2 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
( 3 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 3 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ
( 4 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 4 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
أَمْرًا مِّنْ عِندِنَا ۚ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ
( 5 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 5 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
( 6 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 6 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
( 7 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 7 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ
( 8 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 8 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ يَلْعَبُونَ
( 9 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 9 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
فَارْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ
( 10 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 10 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
يَغْشَى النَّاسَ ۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ
( 11 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 11 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
رَّبَّنَا اكْشِفْ عَنَّا الْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ
( 12 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 12 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine.
أَنَّىٰ لَهُمُ الذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَاءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ
( 13 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 13 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
ثُمَّ تَوَلَّوْا عَنْهُ وَقَالُوا مُعَلَّمٌ مَّجْنُونٌ
( 14 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 14 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
إِنَّا كَاشِفُو الْعَذَابِ قَلِيلًا ۚ إِنَّكُمْ عَائِدُونَ
( 15 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 15 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
يَوْمَ نَبْطِشُ الْبَطْشَةَ الْكُبْرَىٰ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
( 16 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 16 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَاءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ
( 17 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 17 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
أَنْ أَدُّوا إِلَيَّ عِبَادَ اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ
( 18 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 18 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
وَأَن لَّا تَعْلُوا عَلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي آتِيكُم بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ
( 19 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 19 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
وَإِنِّي عُذْتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمْ أَن تَرْجُمُونِ
( 20 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 20 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
وَإِن لَّمْ تُؤْمِنُوا لِي فَاعْتَزِلُونِ
( 21 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 21 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
فَدَعَا رَبَّهُ أَنَّ هَٰؤُلَاءِ قَوْمٌ مُّجْرِمُونَ
( 22 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 22 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
فَأَسْرِ بِعِبَادِي لَيْلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
( 23 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 23 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
وَاتْرُكِ الْبَحْرَ رَهْوًا ۖ إِنَّهُمْ جُندٌ مُّغْرَقُونَ
( 24 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 24 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
كَمْ تَرَكُوا مِن جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
( 25 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 25 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
imisey ka tageen Beero iyo Ilo.
وَزُرُوعٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ
( 26 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 26 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
وَنَعْمَةٍ كَانُوا فِيهَا فَاكِهِينَ
( 27 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 27 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
كَذَٰلِكَ ۖ وَأَوْرَثْنَاهَا قَوْمًا آخَرِينَ
( 28 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 28 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ السَّمَاءُ وَالْأَرْضُ وَمَا كَانُوا مُنظَرِينَ
( 29 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 29 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ مِنَ الْعَذَابِ الْمُهِينِ
( 30 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 30 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya.
مِن فِرْعَوْنَ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَالِيًا مِّنَ الْمُسْرِفِينَ
( 31 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 31 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.
وَلَقَدِ اخْتَرْنَاهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى الْعَالَمِينَ
( 32 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 32 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.
وَآتَيْنَاهُم مِّنَ الْآيَاتِ مَا فِيهِ بَلَاءٌ مُّبِينٌ
( 33 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 33 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَيَقُولُونَ
( 34 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 34 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.
إِنْ هِيَ إِلَّا مَوْتَتُنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنشَرِينَ
( 35 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 35 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.
فَأْتُوا بِآبَائِنَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
( 36 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 36 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
أَهُمْ خَيْرٌ أَمْ قَوْمُ تُبَّعٍ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ أَهْلَكْنَاهُمْ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا مُجْرِمِينَ
( 37 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 37 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 37](style/islamic/icons/mp3.png)
miyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ
( 38 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 38 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 38](style/islamic/icons/mp3.png)
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
مَا خَلَقْنَاهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ
( 39 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 39 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 39](style/islamic/icons/mp3.png)
mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ مِيقَاتُهُمْ أَجْمَعِينَ
( 40 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 40 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 40](style/islamic/icons/mp3.png)
maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
يَوْمَ لَا يُغْنِي مَوْلًى عَن مَّوْلًى شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ
( 41 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 41 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 41](style/islamic/icons/mp3.png)
waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
إِلَّا مَن رَّحِمَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ
( 42 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 42 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 42](style/islamic/icons/mp3.png)
cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
إِنَّ شَجَرَتَ الزَّقُّومِ
( 43 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 43 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 43](style/islamic/icons/mp3.png)
Geedka Zaquumka ah.
طَعَامُ الْأَثِيمِ
( 44 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 44 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 44](style/islamic/icons/mp3.png)
waa cunnada dambi badanaha.
كَالْمُهْلِ يَغْلِي فِي الْبُطُونِ
( 45 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 45 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 45](style/islamic/icons/mp3.png)
waana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
كَغَلْيِ الْحَمِيمِ
( 46 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 46 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 46](style/islamic/icons/mp3.png)
sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
خُذُوهُ فَاعْتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَاءِ الْجَحِيمِ
( 47 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 47 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 47](style/islamic/icons/mp3.png)
(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
ثُمَّ صُبُّوا فَوْقَ رَأْسِهِ مِنْ عَذَابِ الْحَمِيمِ
( 48 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 48 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 48](style/islamic/icons/mp3.png)
markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
ذُقْ إِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْكَرِيمُ
( 49 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 49 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 49](style/islamic/icons/mp3.png)
(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِ تَمْتَرُونَ
( 50 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 50 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 50](style/islamic/icons/mp3.png)
kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٍ
( 51 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 51 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 51](style/islamic/icons/mp3.png)
kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ
( 52 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 52 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 52](style/islamic/icons/mp3.png)
Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
يَلْبَسُونَ مِن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَقَابِلِينَ
( 53 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 53 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 53](style/islamic/icons/mp3.png)
waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ
( 54 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 54 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 54](style/islamic/icons/mp3.png)
saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَاكِهَةٍ آمِنِينَ
( 55 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 55 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 55](style/islamic/icons/mp3.png)
waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا الْمَوْتَ إِلَّا الْمَوْتَةَ الْأُولَىٰ ۖ وَوَقَاهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ
( 56 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 56 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 56](style/islamic/icons/mp3.png)
mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
فَضْلًا مِّن رَّبِّكَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
( 57 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 57 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 57](style/islamic/icons/mp3.png)
waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
( 58 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 58 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 58](style/islamic/icons/mp3.png)
waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
فَارْتَقِبْ إِنَّهُم مُّرْتَقِبُونَ
( 59 ) ![soomaali - Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 59 Ad-Dukhan ( The Smoke ) - Aya 59](style/islamic/icons/mp3.png)
ee sug iyaguna way sugiye.