soomaali
Surah Abasa ( He frowned ) - Aya count 42
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ
( 1 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 1 Abasa ( He frowned ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ
( 2 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 2 Abasa ( He frowned ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa.
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ
( 3 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 3 Abasa ( He frowned ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ
( 4 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 4 Abasa ( He frowned ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ
( 5 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 5 Abasa ( He frowned ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ
( 6 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 6 Abasa ( He frowned ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma; Adaa u bambixi.
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
( 7 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 7 Abasa ( He frowned ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ
( 8 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 8 Abasa ( He frowned ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
وَهُوَ يَخْشَىٰ
( 9 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 9 Abasa ( He frowned ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Oo Eeba ka yaabi.
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ
( 10 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 10 Abasa ( He frowned ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaad ka shuqloomi.
كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ
( 11 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 11 Abasa ( He frowned ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ
( 12 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 12 Abasa ( He frowned ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan.
فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ
( 13 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 13 Abasa ( He frowned ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ
( 14 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 14 Abasa ( He frowned ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay.
بِأَيْدِي سَفَرَةٍ
( 15 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 15 Abasa ( He frowned ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
كِرَامٍ بَرَرَةٍ
( 16 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 16 Abasa ( He frowned ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Sharafna leh oo baarri ah.
قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ
( 17 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 17 Abasa ( He frowned ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ
( 18 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 18 Abasa ( He frowned ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ
( 19 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 19 Abasa ( He frowned ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ
( 20 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 20 Abasa ( He frowned ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Jidkana wuu u fudaydiyay.
ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ
( 21 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 21 Abasa ( He frowned ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ
( 22 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 22 Abasa ( He frowned ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Markuu doonana wuu soo bixin.
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ
( 23 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 23 Abasa ( He frowned ) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ
( 24 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 24 Abasa ( He frowned ) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا
( 25 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 25 Abasa ( He frowned ) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Inaan Roob ku soo shubno.
ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا
( 26 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 26 Abasa ( He frowned ) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhulkana markaas aan jeexno.
فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا
( 27 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 27 Abasa ( He frowned ) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Kana soo bixinno Midho.
وَعِنَبًا وَقَضْبًا
( 28 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 28 Abasa ( He frowned ) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا
( 29 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 29 Abasa ( He frowned ) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Zeytuun iyo Timir.
وَحَدَائِقَ غُلْبًا
( 30 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 30 Abasa ( He frowned ) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Beerow waawayn.
وَفَاكِهَةً وَأَبًّا
( 31 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 31 Abasa ( He frowned ) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ
( 32 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 32 Abasa ( He frowned ) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ
( 33 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 33 Abasa ( He frowned ) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ
( 34 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 34 Abasa ( He frowned ) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ
( 35 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 35 Abasa ( He frowned ) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ
( 36 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 36 Abasa ( He frowned ) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ
( 37 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 37 Abasa ( He frowned ) - Aya 37](style/islamic/icons/mp3.png)
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ
( 38 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 38 Abasa ( He frowned ) - Aya 38](style/islamic/icons/mp3.png)
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ
( 39 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 39 Abasa ( He frowned ) - Aya 39](style/islamic/icons/mp3.png)
Wayna Qosli oy bishaaraysan.
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ
( 40 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 40 Abasa ( He frowned ) - Aya 40](style/islamic/icons/mp3.png)
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ
( 41 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 41 Abasa ( He frowned ) - Aya 41](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ
( 42 ) ![soomaali - Abasa ( He frowned ) - Aya 42 Abasa ( He frowned ) - Aya 42](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).