soomaali
Surah Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya count 36
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
( 1 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 1 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
( 2 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 2 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
( 3 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 3 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
أَلَا يَظُنُّ أُولَٰئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
( 4 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 4 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
( 5 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 5 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Maalin wayn darteed (Qiyaamada).
يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ
( 6 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 6 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ
( 7 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 7 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ
( 8 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 8 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma taqaannaa Sijiin.
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ
( 9 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 9 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa Kitaab calaamaysan.
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
( 10 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 10 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
الَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ
( 11 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 11 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
( 12 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 12 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
( 13 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 13 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ
( 14 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 14 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
كَلَّا إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
( 15 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 15 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُو الْجَحِيمِ
( 16 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 16 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Markaasna ay gali Jaxiimo.
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ
( 17 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 17 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ
( 18 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 18 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا عِلِّيُّونَ
( 19 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 19 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Cilliyiin ma taqaannaa.
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ
( 20 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 20 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
يَشْهَدُهُ الْمُقَرَّبُونَ
( 21 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 21 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.
إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ
( 22 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 22 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ
( 23 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 23 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
تَعْرِفُ فِي وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ النَّعِيمِ
( 24 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 24 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Wajigooda waanad ka garan Nicmada.
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ
( 25 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 25 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ
( 26 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 26 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
وَمِزَاجُهُ مِن تَسْنِيمٍ
( 27 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 27 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan.
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ
( 28 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 28 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ
( 29 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 29 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 29](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
وَإِذَا مَرُّوا بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
( 30 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 30 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 30](style/islamic/icons/mp3.png)
Haday maraanna way xaqirijireen.
وَإِذَا انقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمُ انقَلَبُوا فَكِهِينَ
( 31 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 31 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 31](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَضَالُّونَ
( 32 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 32 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 32](style/islamic/icons/mp3.png)
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
وَمَا أُرْسِلُوا عَلَيْهِمْ حَافِظِينَ
( 33 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 33 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 33](style/islamic/icons/mp3.png)
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.
فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُوا مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
( 34 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 34 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 34](style/islamic/icons/mp3.png)
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ
( 35 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 35 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 35](style/islamic/icons/mp3.png)
Sariiro korkood yayna wax daawan.
هَلْ ثُوِّبَ الْكُفَّارُ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ
( 36 ) ![soomaali - Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 36 Al-Mutaffifin (Those Who Deal in Fraud) - Aya 36](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).