soomaali
Surah Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya count 22
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ
( 1 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 1 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ
( 2 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 2 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ
( 3 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 3 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ
( 4 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 4 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ
( 5 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 5 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ
( 6 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 6 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ
( 7 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 7 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ
( 8 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 8 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ
( 9 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 9 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ
( 10 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 10 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ
( 11 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 11 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
( 12 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 12 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ
( 13 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 13 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ
( 14 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 14 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ
( 15 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 15 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ
( 16 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 16 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ
( 17 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 17 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ
( 18 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 18 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ
( 19 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 19 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
وَاللَّهُ مِن وَرَائِهِم مُّحِيطٌ
( 20 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 20 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ
( 21 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 21 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
Waase Quraan sharaf leh.
فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ
( 22 ) ![soomaali - Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 22 Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).